|

Gollaha Wadashiga oo goaamiyay in Doorasho qof iyo cod ah baneeyay

Muqdisho October 30, 2024(QJ)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho 2-dii ilaa 30-kii October 2024-ka, waxaana ka soo qeyb galay madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira, Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo gabagabeeyay war-murtiyeed.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa shan qodob ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay shacabku ku dooran karaan hoggaankooda.

Waxa kale oo shirkan lagu go’aamiyay wakhtiga la qabanayo doorashooyinkan hal qof iyo cod ah. Doorashada dawladaha hoose ayaa loo qorsheeyay inay qabsoonto June 2025, halka doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada la qaban doono Sebtember 2025.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaan ka qeyb galin heshiiskii ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaran, kaasoo la horgeyn doono baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay, ugana soo horjeestay go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ee muddo kordhinta loogu sameeyay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay sharci darro tahay in muddo kororsi loo sameeyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Leave a Reply