Gollaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland oo ka hadlay La xisaabtan ku sheega Xukuumada Gaas ee Puntland
Garoowe Jan 03,2015(SDN/QJ)-Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland waxaanu canbaareyneynaa qaabka Umada Puntland loogu jaah wareershey la xisaabtan ku sheegii lagu qabtey xarunta Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland ee Garowe iyadoo lagu soo bandhigey wax lagu sheegey La xisaabtan .
Waxaanu u cadeyneynaa Shacabka Puntland hadaanu nahey Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland in waxa ka dhacay xarunta Wasaarada Caafimaadku ay aheyd wax lagu tilmaami karo Maaweelo umada lagu jaah wareerinayo waayo la xisaabtanka Wasiirada iyo Agaasimayaasha wasaaradaha maaha iney sidii imaamada masaajidda muxaadaro jeediyaan oo noo sharaxaan waxay qabato Wasaaradahoodu iyadoo aad moodidba in Shacabku aysan aqoon waxay wasaarad walba u taagan tahey!
La xisaabtanka dhabta ah waxa uu imanayaa marka Wasaarad walba ay hortimaado Golaha Shacabka sidey caadadu aheyd iyo in Hay’aada Hanti dhowrka Guud la hirgeliyo si loo daba galo hantida shacabka meeshay ku baxeyso.
Ka Gole ahaan, waxaanu ugu baaqeynaa madaxweynaha Dowlada Puntland, Madaxweyne Gaas in hadii ay dhab ka tahey la xisaabtanka Wasaaradaha sicir bararey ee tirada badan inuu u maro habka Dowliga ah.
Intaa Waxaa dheer madaxweyne Khamiis walba la shira Wasiiradiisa, Madaxweyne booqda xafiisyo wasaaradeed oo xiran, misna na yiraahda Wasaaradaan la xisaabtamayaa Madaxweyne Gaas ka horow lama maqal lamana arag, Taasna Shacabka Puntland uma BOGIN.
Mar labaad waxaanu ugu baaqeynaa In Madaxweyne Gaas uu umada ka daayo jaahwareerka iyo is buun buuninta uuna ogaado in Shacabka Puntland aysan raali ka aheyn in riwaayado loo dhigo.
Ugu Danbeyn Waxaa Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland ay Madaxweynaha ugu baaqayaan inuu hawsha dhabta ah taas oo ah in dibu saxitaan lagu sameeyo awood qeybsiga Puntland inuu kasoo baxo uusana umada ku jaah wareerin wax aan u cuntamin Umada.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland