|

Gollaha Guurtida Somaliland oo maanta ka dooday ajandaha kalfadhigooda 46aad

Hargeysa Mar 13,2012(SDN)-Fadhigii Maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee ee Golahaasi Sh Axmed sh Nuux Furre ayaa maanta waxa ay dood ka yeesheen ajendaha kalfadhiga 46-aad ee kalfadhiga oo ku saabsan arimaha bulshada.

 

Doodan oo ay ka hadleen labo iyo toban xildhibaan ayaa waxay si qoto dheer uga doodeen sadexda qodob ee kala ah Doorashooyinka golaha deegaanka, Cadaalada iyo waddo farista ay DHH ka samaysay Caasimadda.

Golaha guurtida ayaa waxay isla eegeen qaabka ay golaha guurtidu uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka dawladaha hoose ee foodda inagu soo haya, halka sidoo kalena ay goluhu warbixino ka jeediyeen arimaha cadaaladda iyo hawlgalada DHH ee caasimada iyo sida lagu daryeelayo dadkii ganacsatada ahaa ee badhtamaha magaalada ku ganacsan jiray.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay ka hadleen arinta gobolada bari, kuwaasoo xusay in guurtioda looga baahan yahay siday bulshada Somaliland u midayn lahayd, ka hor inta anay furmin wadahadalo lala galo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed