Gollaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay xeerka Doorashooyinka dalka
Hargeysa Aug 11,2012(SDN)-Waxa maanta kulan ay yeesheen Gollaha Guurtida ee Somaliland ay ku ansixiyeen xeerka dooroashooyinka Gollaha degaanka iyo ka madaxtooyada dalka oo wax ka bedel lagu sameeyay dhawaan.
Kulanka maanta oo uu shir guddoomiyay guddoomiyaha Gollaha Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa ka soo xaadiyaray 58 mudane.
Mudenayaal tiradoodu tahay 50 ayaa xeerka u codeeyay halka 6 kalena ay diideen midna uu ka aamusay,guddoomiyuhuna muu codeyn,sidaas ayuuna xeerku ku dhaqangeleyaa kolka madaxweynuhu sxeexo.
Fadhiga gollaha Guurtida ayaa jewigiisu degenaa waxaanu ku soo xirmay jewi degan.
Gollaha Wakiilada kolkii ay codka u qaadayeen xeerka Doorashooyinka golleyaasha degaanka iyo madaxtooyada ayaa waxa hareeyay buuq iyo sawaxan xeerka ku saabsanaa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.co