|

Gollaha Amaanka ee QM oo ansixiyay in AMISOM la kordhiyo iyo khatarta qaraakaasi Soomaalida u leeyahay

New York Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Gollaha amaanka ee QM ayaa habeenimadii xalay aheyd ansixiyay qaraar ay gollaha ay Britain u gudbisay dhawaan oo lagu kordhinayo tirada ciidamada AMISOM.

Ciidamada Africa ee Muqdisho ku sugan ayaa iminka tiradoodu tahay 12 kun oo askeri oo uu isla gollaha Amaanku hore u ansixiyay.

Fadhigii xalay ee 15ka dal ee ku bahoobay gollaha amaanka ayaa gidigood ansixiyeen kordhinta ciidamada AMISOM.

Dawlada Britain ayaa hore u shaacisay in ay dooneyso in ciidamada dalalka Itoobiya iyo kuwa Kiinya la doonayo in ay ka mid noqdaan AMISOM

Safiirka Britain ee QM ayaa arrintan hore saxaafada ugu sheegeey,waxaana hore u jiray dareen shacabku ka qabeen ciidamada dalalka jaarka in Soomaaliya ay soo galaan.

Ciidamada Itoobiya oo hore Soomaaliya u galay ayaa dagaal xoogan ay kala horymaadeen kooxo kala duwan oo farogelintooda ka soo horjeeday.

Waxaana dhici karta in mar kale ay ciidamada jaarku ay sabab u noqdaan in kooxaha shisheeye diidka ahi taageero ku kasbadaan.

 

Qurbejoog-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed