Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo dhabeeyay Shaki Soomaalidu mudo ka qabtay,Soomaaliyana u fasaxday Hub
New York Mar 06,2014(SDN)-Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi ay yeesheen waxa ay iskula qaateen in Soomaaliya hubku sidiisii u tago in kasta oo kooxdoodii la socodku dheegeen hubkii tagay Soomaaliya qaar ka mida uu galay gacanta kooxda Al Shabaab.
Gollaha Amaanka ayaa waxa uu dhegeystay soo jeedimo ay u gudbiyeen kooxda la socodka cunaqabateynta Soomaaliya oo ku taliyay laba mid,in hubka gebi ahaan laga joojiyo dawlada Soomaaliya iyo in mudo kooban loo soo sii ogolaado dawlada Soomalaiya in ay hub iibsato balse la adkeeyo la socodka halka hubkaasi ku danbeeyo.
Shan iyo Tobanka dal ee Gollaha Amaanka ayaa isla qaatay soo jeedinta danbe oo ilaa bisha October u ogolaaday dawlada Soomaaliya in ay hub dibedda ka iibsato.
QM ayaase waxa ay ogolaashahooda raaciyeen digniin ay u jeediyeen dawlada Soomaaliya oo lagu sheegay in ay la timaado hanaan lagula soconayo in hubku aanu gelin gacanta kooxda Shabaabka.
Shacabka Soomalaiyeed ayaa mudaba isweydiinayay sababaha dhabta ah ee ka danbeeya in Soomaaliya ay xaaladeedu sal dhigan weydo,goaanka Gollaha Amaanka ayaa Soomaali badan sawir ka siiyay Jawaabta suaashaasi.
Soomalaiya hubka halaga iibiyo,kooxda la socodka hubka hawsha ha sii wadato,Shabaabku hub ay qaska ku sii wadaan ha heleen,AMISOM mashruucu ha u sii socdo,Shacabkana xasuuqu ha ku socdo ayaa halkaa la iskula qaatay.
Soomaaliya ayaa cunaqabateynta Hubka ay QM ku soo rogtay sanadii 1992 dii waa hadii Soomaaliya ay kuula muuqato dal cunaqabateyn saaran tahay.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com