|

Golaha Wasiirada Wadanka Turkiga Oo Qalinka Ku Duugay In Bil Kasta Somaliya Lagu Caawiyo 2 Malyan Oo Dollar

erdugan

Muqdisho,1,6,2016 (QJ/SDN) – Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaadhaysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Wargeyska Rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah [Shalay] warkan shaaciyay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah lagu kabayo misaaniyada dowlada Somaliya iyo   adeegyada hay’adaheeda, iyadoo loo siinayaa Somaaliya si qeyb qeyb ah.

Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar  la siinayo Soomaaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaadheen.

Sida laga warqabo waxaa Todobaadkan  dekeda magaalada Muqdisho ku soo xidhay markab Turkiga leeyahay oo sida gargaar bani’aadanimo oo lagu qiimayay $8 milyan  looguna tala galay dadka  Soomaaliyeed ee wax yeelada ka soo gaadhay  daadadka iyo abaartii dalka ku dhufatay.

Warkan ka soo baxay dalka Turkiga ayaa ku soo beegmaya maalmo kahor xilli lagu wado in uu markii saddexaad soo booqdo Soomaaliya Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Hase yeeshee  dowlada Soomaaliya iyo dowlada Turkiga ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin booqashada Madaxweyne Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Comments are closed