|

Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyay miisaaniyadda daahday ee 2012

Hargeysa 27. Feb.2012 (Qurbejoog.com)- Golaha Wasiirada Somaliland, ayaa maanta ansixiya miisaaniyad-sannadkeeda 2012 oo dhawr bilood ka daahday xilligii sharcigu dhigayay inay u gudubto golaha Wakiilada.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo Madaxtooyadu soosaartay, miisaaniyaddani waxay 23.19% ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2011, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Fadhigii maanta (27/02/2012) ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo Dhan 639,369,240,470 taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed