Golaha Wasiirada Somaliland Ma Heshiiskii DP World Bay Ansixiyeen Mise Warbixn Bay Gacanta U Taageen?
Hargeysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Inta badan Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland kaga jira gobolka Saaxil, ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay waddo dedaallo ay ku marin-habaabinayso dadweynaha reer Somaliland iyo mid ka mid ah Beelaha dega gobolka Saaxil oo ay ku tilmaamayso inay gaar u sheeganayso gobolkaas, isla markaana ay doonayso inay arrintaas ku meel-marsato Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ee ay Xukuumaddu la gashay Shirkadda Dubai Ports World, kaasoo ay ku tilmaameen mid Suuq-madoow ah oo madmadaw badani ku jiro, marna aanay si cad u soo bandhigin.
Xildhibaannadan gobolka Saaxil kaga jira Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada oo ka soo kala jeeda Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI, UCID iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa Shir Jaraa’id oo ay Axaddii doraad ku qabteen magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen inaanay Beesha Ciise Muuse ka soo horjeedin horumarka dalka, isla markaana aanay Berbera iyo gobolka Saaxil cid reer Somaliland ah oo ay ka sheeganayaan ama ka sheegan karaan jirin. Hase-yeeshee, ay diiddan yihiin madmadawga iyo sida wax-qarsiga laga dhadhansan karo ee ay Xukuumaddu u diiddan tahay inay Bulshada u soo bandhigto Heshiiska Dekedda Berbera maaligelinteeda la xidhiidha, iyagoo tilmaamay inay Bulshada Somaliland ula siman yihiin, loona baahan yahay inay guud ahaan dadweynuhu ka hadlaan waxa ay xaqa u leeyihiin.
Shirkaas Jaraa’id Mudanayaashii ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaanu yidhi; “Reer Somaliland-neew, Berberadaa la leeyahay waad qabsatay waxa igu hadhay oo aan ku noolnahay waa Xamaalkaa gubtay, Xamaalkii marka la leeyahay ka kac soo inaan is-qarxiyo maaha? Deegaankiisii baa Baadroolkii la sheegaayey laga dhammayn kari waayey, sababtu waxa weeye Shacabka halkaas deggani waa gob, laakiin dowladdu wax u sheegi lahayd meeday, indha-la’aan baa lagu galay sidan oo kale, Lacagtii Qandaraaskaa la qaatay.”
“Berbera waxa ku nool ee aan ka xagaa-bixin ee joogtada ahi waa labadaa kun ee xamaaliinta ah iyo carruurtooda, soo waxa la doonayaa inay ka baxaan maaha oo shaqo kale la qabsado? Wallaahi baan la yeelayn, oo billaahi baan la yeelayn, oo tollaahi baan la yeelayn. Markaa, waxaan idiin sheegayaa reer Somaliland-noow laba mid baydun noqon, ama dacaayaddan raqiiska ah ee Xukuumaddu waddo ayaydun maqli ama Allaahu maaballaqtu waannu idiin sheegnay maanta, wixii halkaas ka dhacana Xukuumadda ayaa ka masuul ah, Maxamuud Xaashi ayaana koow ah.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo ka hadlaya Heshiiskaas wareejinta Dekedda Berbera oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii, waxa uu yidhi; “Wasiirradii dhammaa ee Golaha Xukuumadda ee ummadda maamulayey lama tusin heshiiskaas, Borojagtar inta la tusay, ayaa la ydihi gacanta taaga, iimaankii baa innaga xumaaday oo nin wal oo Wasiir ahi wuxu ka baqayaa in la eryo, waayo? Dee dowlad baanay ahayn. Ina Cigaal sidaas buu ugu bandhigi jiray Wasiirrada oo uu odhan jiray hadla, waakaa Cabdillaahi Darawal Wasiirkii ugu su’aasha badnaa Ina Cigaal ayuu ahaa, maalin qudhana lama eryin, Wasiirkii ugu sharafta badnaana wuu ahaa.”
“Immikana waxa la wadaa Golahayaga ayaa lagu soo wadaa, annagu waxaannu doonaynaa Heshiiska. Heshiiska Xasan Sheekh Maxamuudkan Xamar jooga ayaa Hoosta ka saxeexay, markaa waa in la keenaa heshiiska. Shalay (Sabtidii) baa la islahaa keena, ee waxa la arkay in qoladii KULMIYE laftoodu ay leeyihiin waar Berbera halla dejiyo oo dadka wax halloo sheego, waa Guddi 11 ka kooban oo KULMIYE ah’. Waxa la yidhi KULMIYE-han baaba innoogu darane innaga tuura, iyagu KULMIYE-na ma jecla, UCID-na ma jecla, WADDANI-na ma jecla, annaga Xildhibaannadayadani saddexda Xisbi iyo Guurtida-ba waannu ka midaysannahay…” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Waxaanu Xildhibaan Siciid intaas ku sii ladhay; “Reer Somaliland waxaan leeyahay waxa la wadaa waa dagaal toos ah, dagaalkaasi ama wuu dhici oo waa nala geli oo waxbaannu iska celin ama waydun hadli. Wasiirkayagi wuu na qancin kari waayey, Lacag baa meel la dhigtay, Xukuumaddanna waxaad mooddaa Shisheeye dalka ku soo duulay. Reer Somaliland-noow meel halis ah ayey naga taagan tahay, idinku ka gar-naqa oo Xukuumaddaa na kala gaadha.”
Xildhibaan kale oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada oo halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Ayaan dhawayto waxa ii yeedhay Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Khaarajiga, laba Wasiir Ku-xigeen iyo Agaasimena waa joogeen, dabadeeto wixii la igu yidhi; ‘Nin Oday ah baad tahay, dadku wuu kacsan yahay, Reer Berbera inaad nala dejiso ayaa loo baahan yahay. Dee nabadgelyadeenna ayaa ku jirta oo anigu maan diidin, canaan wixii ay lahayd dowladduna waan soo jeediyey, waxay dadku ku degayaan in wax cad tusa oo qanciya, annagana na qanciya. Maalin dhawayd waxa la yidhi Madaxweynaha ayaa tegay Berbera, waxaan maqlay in lagu muddaharaaday. Waxaan leeyahay Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirradii kale haddaynu wax isla qaadannay xaggeed ku illawdeen.”
Xildhibaan kale oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka gobolka Saaxil kaga jira ee Shirkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay qaar ka mid ah qodobbada Heshiiska ay arkeen, waxaanu yidhi; “Dalka in la horumariyo lama diiddana, waxa la diiddan yahay oo aannu liqi kari waynay Heshiisku Suuqa ayuu noogu yimi isagoo maraya, Saxeexii dowladdana wuu lahaa, Xukuumadduna may diidin ee inuu yahay Heshiiskii ay saxeexeen way nagu raaceen, hadduu kaa yahay, qodobbo ka mid ah oo aannu u aragnay in dalka lagu dhaxal-wareejinayo ayaannu durnay, waxaa ka mid ah Dekedda lama qiimayn, waxa la galinayo ee Shirkaddu leedahayna saani looma qiimayn, goorta maalkooda lagu bilaabayaa ma cayinna. Markaa, meesha waxa ka muuqda madmadaw.”
“Waxay noogu muuqatay in dhaqaalaha yar ee ka soo baxa Dekedda ay badhna qaadanayaan, waxna wax ku dhisi doonaan, cid caddaynaysaana ma jiro, Masuuliyiinta Xukuumadduna dhaar iyo Walle ayey la soo taagan yihiin iyo waa horumar, waxay caddaynayaanna ma jirto. Berbera Xamaaliinta Joogta in khiyaano lagaga raro cidna ka yeeli mayno. Haddii la is-qabsado waxay DP World iyo Somaliland hadday is-qabsadaan ay ku garnaqsanayaan Maxkamad London ah, taasna yeeli mayno, Xafiiska Berbera laga maamulayo Dubai baa laga furayaana yeeli mayno, meesha la maamulayaa waa Berbera ee maxaa u diiday in Berbera laga furo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaankaasina.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inaanay reer Berbera diidi Karin qawaaniinta iyo Dastuurka dalka Somaliland lagu dhaqo, hase-yeeshee, ay diiddan yihiin xad-gudub ka baxsan qawaaniinta Somaliland. “Annagu markaannu dowladdannahay Xildhibaannadayadani hadday reer Saaxil qaldan yihiin oo ay dowladda ka gardaran yihiin, waxaannu difaacaynaa Qarannimada Somaliland oo aannu dowladda kala mid nahay, laakiin marka lagu xad-gudbo ee qawaaniinta wax ka baxsan lagu dhaqo, waxaannu nahay Wakiilladoodii, waxaannu difaacaynaa dadka oo aannu qawaaniinta iyo sharciga ku difaacaynaa.”
“Heshiiska DP World lala galay Wasiirraa ku afgobaadsaday; ‘annagoo soo gaabinnay nuxurkii’. Hadda waa heshiis caalami ah oo la saxeexay oo inta bayj ee uu leegyahay-ba Golayaasha Qaranku ka darsi lahaayeen mud-darro iyo manaafacaad Qarankan wuxu u leeyahay, ayuu Wasiirka (Madaxtooyadu) yidhi laga bixi maayo oo waa Buug wayn, sidaa daraaddeed nuxurka ayuun baannu hor-keenaynaa Golaha. Immika shan bilood bay Weji-ku-macaash soo wadeen, dadweynaha in lagu meeraystana maaha.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.
Mudane Maxamed Faarax Qabille oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Laakiin, maanta Golahayaga ayuu hor-yaallaa, ma aqbali karo Goluhu, waanan uga digaynaa weedhaha barbar-marsan Shuruucda dalka. Waxaannu rabnaa Heshiiskii dhabta ahaa ee ay DP World dhinaca ka ahayd ee Itoobiya dhinac ka ahayd, ee ay dhinac ka ahayd Somaliland. Waxyaaba wax aad looga argaggaxo ah ee Heshiiska ku taalla, Sheeriskeeda way iibin kartaa DP World, maxay lahayd DP World? Ma Berbera ayey iibin kartaa DP World? Waxa qaynuunka loo dhigtay in dalka lagu maamulo, haddii Sharciga wax lagu maamuli waayo oo Caqli lagu maamulo waxa lumaya hal-beegga Qarannimada.”
Sidoo kale Mid ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ee reer Saaxil oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu TV-yada aad uga maqlaynay Heshiis Xukuumaddu leedahay waxaannu la soo galnay Shirkadda Dubai Ports World, hadday DP World la soo gashay meesha laga fulinayaa waa Berbera iyo meesha aannu Xildhibaannada u nahay. Dadweynaha sida qaldan wax loogu sheegayo ee ololaha badan ay Xukuumaddu kaga jirto waxaannu u sheegaynaa inaanay dadka reer Saaxil iyo reer Berbera diiddanayn horumarka dalka u soo kordha. Saaxil waa gobol nabadeed, waa gobolka dhaqaalaha yare e dalka lagu maamulaa uu innooga soo baxo, isaga oo waxaas oo dhaqaale ahi soo maro ayey haddana duruufo adag oo kulayl iyo kuwo kale ahi ka jiraan, Xukuumaddaasi indho ay ku eegtayna jirin, haddana ay raalli ku yihiin.”
Waxaanu Xildhibaankaas soo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Waxa immika nalagu bilaabay inaannu nahay dad Qaran iyo horumarkiisa ka soo horjeeda. Waar ma nihin ee Xildhibaannadii haddii dani dalka iyo dadka ugu jiraan heshiiskan kuwii hor-geli lahaa baannu nahay, wax nalaga ogeysiiyey iyo wax aannu kala soconnaa toona ma jirto.
Reer Berberana inay eegaan oo ay arkaan heshiiskan xaq bay u leeyihiin. Nin Wasiir ah oo Sacad la yidhaahdo oo aan isleeyahay waxa Wasiirka arrimaha dibedda looga dhigay inuu Heshiiskan uun saxeexo, ayaa saddex Waraaqood Huteellada la wareega.”