|

Golaha wasiirada Somalia oo Kulan ka Yeeshay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Iyo Qaabka ay uga Hadleen

Muqdisho 13.Aug 2015 (SDN/QJ)- Golaha Wasiirrada dowladda Soomaaliya oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya iyo xaaladda siyaasadeed ee cusub ee uu dalka galay.

Golaha Wasiirada SomaliaWarsaxaafadeed kasoo baxay golaha oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog ayaa lagu sheegay in ay dareen ka muujinayaan daq-dhaqaaqa qaar ka mid ah xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ku howlan in ay mooshin ka keenaan madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa golaha uu ku qeexay tallaabadaas inay horseedi doonto inay kala dhantaasho:-

A) – Wada jirka iyo wada shaqeynta hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

B) – Xasilloonida siyaasadeed ee ay xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.

C) – Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 2016, gaar ahaan taaba gelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.

D) – Howl-gallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

E) – Kobaca dhaqaale ee dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xiriira wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay.

Golaha Wasiirada ayaa qoraalkooda ku sheegay inay aaminsan yihiin in muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hey’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka, loona baahan yahay in xildhibaanada ay taas kala shaqeeyaan.

Comments are closed