|

Golaha Wasiirada Somalia Oo Ka Dooday Qodobo Ay Ka Mid Yihiin Qaraxii Pizza House Iyo Xaalada Muqdisho

Muqdisho 18. June 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo  uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii lagu qaaday maqaayadda Pizza House oo ka mid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, wuxuna tilmaamay in falkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 22 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii uu qaraxu dhacayay.

 

“Falkaas argagixiso wuxuu cadeeyey sida cadowga ummadeenu ugu heelan yahay daadinta dhiiggooda, waxaa cad in Shabaab ay yihiin koox ka fog diinteena marka loo eego dhacdooyinkooda, gaar ahaan midii xalay oo ay ku dileen shacab aan waxba galabsan”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) .

 

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka argagixiso.

 

Dhanka kale, Shirka golaha ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin soo bandhigidda dakhliga soo xarooday oo golaha uu warbixin ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle.

Comments are closed