|

Golaha Wasiirada oo Magcaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Muqdisho, 21, September, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya. Kulankan oo looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka iyo Hindise-sharciyadeedka Biyaha, ayaa waxaa ugu danbayntii lagu magcaabay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Wasiir-ku-xigeenka War-faafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Cabdulaahi Colaad Rooble ayaa ka dib markii uu soo dhammaaday shirka Golaha Wasiirada waxa uu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in Goluhu isku raacay magcaabidda Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirku isagoo hadlaya, waxa uu yiri:

“ Golaha Wasiiradu waxa ay sidii caadada ahayd ka hadleen xaaladda ammaanka, iyadoo war-bixinno laga dhegaystay Wasaaradda Ammaanka Qaranka. Golahu waxa uu sidoo kale isku raacay magcaabidada Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iy Sirdoonka Qaranka oo loo magcaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

“Waxaa xusid mudan in magacii Agaasimaha Hay’adda meesha laga saaray oo lagu beddelay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, magacaasi ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu waxa uu u rajaynayaa taliyaha cusub in uu shaqadiisa u guto si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed