|

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Somalia oo Hantay Codka Kalsoonida ee Golaha Baarlamanka Iyo Khudbadii Raysal Wasaare Khayre DAAWO

Muqdisho 29. March 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw lagu dhaariyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kadib markii ay si buuxda u heleen codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada helay Codka Kalsoonida waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa ayna wasiirada ku dhaarteen in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa Wasiirada ee helay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhawaan la yimaadaan waxqabad muuqda, waxaana Wasiiradan soo dhaweyay kuna farxay shacabka Soomaaliyeed in ay heleen Codka kalsoonida.

Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan si rasmi ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana Golaha Wasiirada cusub looga fadhiyaa in ay la yimaadaan waxqabad muuqda .

Comments are closed