|

Golaha Wasiirada ee Somalia oo Maanta Meel Mariyay Hanti dhawraha iyo Xisaabiyaha Guud ee Somalia

Muqdisho 13.Feb 2014 (SDN)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixisay magacaabista hanti-dhowrka guud iyo xisaabiyaha guud ee qaranka.

Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa loo magacaabay Dr. Nuur Faarax, halka xisaabiyaha guud ee qarankana loo magacaabay Cabdiweli Maxamed.

Golaha wasiirrada oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa cod u qaaday ansixinta labada mas’uul oo magacaabistooda ay soo jeedisay wasaaradda maaliyadda.

Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in labada mas’uul lagu soo xulay aqoon iyo waaya-aragnimo ay u leeyihiin xilalka loo magacaabay.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

gab4 gab3 gab2 gab1

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed