|

“Golaha Wakiillada Wixii Shalay Ka Dhacay, Waxay Dusha Ka Saaran Tahay 80% Guddoomiye Ku Xigeenka” Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay inuu sabab u ahaa khilaafkii iyo gacan ka hadalka ahaa ee shalay dhexmaray isaga iyo Guddoomiye Cirro.

 

faysal-cali-waraabeFaysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga UCID waxa kale oo uu sheegay in Baarlamaanada adduunka aanay ka jirin gole ay hoggaamiyaan saddex Guddoomiye, waxaanu tilmaamay in Cabdiraxmaan Cirro ogolaaday in sida ku xusan xeer-hoosaadka in saddex Guddoomiye Golaha Wakiilladu yeesho.

 

 

“Horta Golaha Wakiillada wixii shalay ka dhacay waxay dusha ka saaran tahay Guddoomiye ku xigeenka 80% Guddoomiye ku xigeenka, sidii shalay ula macaamilay si odaytinimo ah iyo si sharci ah midna muu ahayn, Guddoomiyuhu isagu sharcibuu cuskaday oo sharcigoodu wuxuu qorayay ayuu cuskaday, wuxuu yidhi xeer-hoosaadkeenu wuxuu qorayaa haddii mooshankani fadhigan ku dhaco fadhiga dambe la keenaa. Arrintu halkaasay ku dhamayd laakiin in Makarafoonka la qabsado oo lagu dagaalamo, wixii halkaa ka dhacayna waxay duasha ka saaran tahay Guddoomiye ku xigeenka.” Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe

 

 

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Guddoomiyuhuna intuu gacanta qaado isana, gar uu lahaaba gacantuu ku horeeyay ayaa la yidhi, waxa weeyaan markay dhab ahaan eegno, waxanaya waxay u dhacayaan waa sababo badan. Waxay u dhacayaan waxa weeyi, Dastuurkeenu wuxuu qorayaa in Baarlamaanku Guddoomiye yeesho iyo laba ku xigeen, Guddoomiyihii wey bedaleen oo waxa loo bedelay Shirguddoon, Guddoomiye ku xigeenka waxa loo sameeyay marka Guddoomiyuhu maqan yahay buu meesha fadhiistaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID

 

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas raaciyay“Adduunka ma jiro Baarlamaan saddex Nin hoggaamiyo sidii Maxkamaddii, Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha Wakiillada) shalay wuxuu yidhi Goluhu yeelan maayo laba Guddoomiye, saddex Guddoomiyuu leeyahay oo shirguddoonka isagaa ogolaaday xeer-hoosaadka.”

Comments are closed