|

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta Cod u Qaadi Doona Xeerkii Ugu Xaasaasi sanaa Cimrigooda Iyo Natiijada La Filayo

Hargeysa:24-Sep-2013(SDN)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la filayaa inay Saacadaha Soo Socda Cod U Qaadaan Xeerka Horumarinta Waddooyinka oo in muddo ahba Kurbadiisu haysatay Golahan.

xeeqarqooshXeerkan oo in ka Badan Toddoba Maalmood Golahani dodo kulul ka  dhiibanayeen, ayaa waxa loo ballansan yahay in gacanta loo Taago, waxana maalmihii ugu dambeeyey kala jiidashada xildhibaanada iyo Baayacaaduba ay aad u badnayd.

Xeerkan ayaa xaasaasiyad gaar ah lahaa oo xumaddiisa iyo qaylo-dhaanta ay shacabku kaga soo jeedaan Ansaxintiisu ay meel sare gaadhay, waxana lagu wadaa in maanta ay taasi si rasmi ah loo sooo afjaro marka codka lagu kala dhaqaaqo.

Labada dhinac ee Mucaaradka iyo muxaafadka oo xeerkan si weyn iska iskaga soo horjeeda, ayaa ayaa la filayaa inay Golaha Dhexdiisa lagu wadaa inay maryo dhiig leh ku kala furtaan, iyadoo ay muuqato inaan la saadaalin Karin cidda maanta guulaysan doonta.

Kooxaha Mucaaradka ah oo aanu xidhiidh badan la samaynay ayaa noo sheegay inay qabaan rajo fiican oo lagu diidi doono xeerkan, halka ay kooxaha muxaafidka ah oo iyagu si weyn ugu hawlannaa inay xildhibaanada Maaliyad ku soo xergeliyaan,  ay dhinacooda Aaaminsan inay si dhib yar ugu guulaysan doonaan xeerkan hadalkiisu batay.

Sidoo kale xildhibaanada ka soo horjeeda ansaxinta xeerkna, ayaa farta ku fiiqay inay xukuumaddu maalmahan ku hawllanayd sidii ay mudanayaasha ka soo horjeeda xeerkan ay lacag ugu muquunin lahayd, waxana ay sheegeen inay jiraan xildhibaanno ku talo-xumoobay shilimaadkaas loo lulay.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in cod loo qaado xeerkan,  waxana muuqata in ay adagtahay in qolo gaadho guul weyn oo la taaban karo, iyadoo ilaa iyo haatan labada qolo isku dhawyihiin oo  aan wax weyn la isla dheerayn, waxana muuqata in xeerkani cod aad ugu yar ku meel mari karo ama ku noqon karo.

 

Maanta waxa ay wararku sheegayaa in xataa ay arrintu gaadhay in axsaabta mucaaradka ahi xataa ku xisaabtamayaan codka Cabdiraxmaan  Cirro oo ah Guddoomiyaha Golahan, waxana ay taasi caddaynaysaa in la saadaaliyo cidda maanta guulaysan karta.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa\somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed