Golaha Wakiillada Somaliland Oo La Wareegay 100 Nuqul oo Diiwaanka SAMO-TALIS Ah
Hargeysa Dec 22,2013(SDN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa maanta 100 nuqul oo diiwaanka SAMO-TALIS: Taariikhda Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) kala wareegay qoraaga diiwaankan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi). Waana tallaabo uu goluhu ku dhiirrigelinayo qoraayada ku hawllan ururinta Sooyaalka ummadda Somaliland..
Qoraa Siciid Gahayr ayaa Guddoomiyaha uga mahad-celiyay tallaabadan uu horseedka u yahay, waxa uu sidoo kale sheegay in uu damacsan yahay in si tan la mid ah uu diiwaankan guddoonsiiyo Golaha Guurtida Somaliland, Xukuumadda iyo qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada sida jaamacadaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa ka mid ah hal-doorka ka faallooday shakhsiyadda Xaaji Cabdi markii uu qoraalku socday, waxaana erayadii uu ku tilmaamay shakhsiyadda Xaaji Cabdi ka mid ahaa “Xaaji Cabdi Ilaahay caafimaad ha siiyo cimrigana ha u daayo. Waxaan xasuustaa maalintii Ambassador Hotel la furayay ninbaa wuxuu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay is-dheer yihiin Xaaji Cabdi-Waraabe”. Wuxuu caan ku yahay nabadda. Sooyaalkiisa iyo taariikhdiisa nololeed wuxuu ka bilaabmay wakhti adag, sida la ii sheegay markii aabbihii la dilay halkii colaad ka qaadan lahaa wuxuu ka qaatay nabad, illaa imakana wuxuu ku sifoobay inuu Somaliland oday nabadda ku suntan uu yahay. Wuxuu ka soo qayb qaatay xallinta intaas oo khilaafaad oo Somaliland ka dhacay mid guud, mid qaran, mid qoys iyo mid shakhsiba. Waxaan xasuustaa maskaxdana ku suntan markii muranku ka dhacay shir-gudoonka Golaha Wakiillada 2005-tii doorkii uu ku lahaa xallinteeda…
Waxaan is-leeyahay isaga, Sheekh Axmed Sheekh Nuux iyo odayaashii kale ee guurtida ahaa waxay qaateen door muhiim u ah xallinta khilaafkaas oo taariikhda Somaliland lagu xusi doono. Intaas oo qudha may ahayn ee meel kasta oo ka wax dhaceen Somaliland bari iyo galbeed sida Boorama, Laascaanood, Burco, Berbera iyo goobaha kaleba Xaaji Cabdi waa ku suntan yahay.. Dadka taariikhda haya iyo saxaafadda ayaana arrimahaas iiga wanaagsan.. Laakiin waxa aan ku tilmaami karaa oday aynu tebi doonno markay tiisu timaaddo.
Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista