Golaha Wakiiladda Somaliland oo Dur Duro ku Ansixiyey Tiro Wasiiro ah
Hargaysa 02. April 2017 (SDN/QJ):- Kal-fadhigii Golaha Wakiilada, oo uu guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo lagu ansixinaayey afar Wasiir oo ka mid ah Wasiiraddii ugu dambeeyey ee uu Madaxweynuhu magacaabo, kana maqnaa Kal-fadhigii hore ee lagu ansixiyey inta badan Wasiiraddii dhawaan la magacaabay.
Wasiirka Qorsheyna ayaa mar uu ka hadlaayey Shirka dhacaya London, ayaa yidhi “Waxaanu Darafkiisi bilaabaynaa bishan badhtankeeda, darafka horena waxaanu keenaynaa, oo Shir Guddoonkiinu iman doonaa 1/5/2017, si aynu uga horeeyno shirka dhacaya London, ee Somaliya loo qabanayo, wakhtigii hore waxa la inoo sameeyey SSA,ayeynu ku helnay sanduuqan SDF, oo wixii caawimo ah aynu ku helnay, imikana madaama aynaan Shirka London ka qayb galayn, laakiin inaynu wax la tagno weeye, waxaan culays badan saaray intii aan Wasaaradda joogay in NDP 2 inaga dhamaado, waxaanu ku dhaw yahay imika dhammaad, 1/5/2017, waanu qayb doonaa, waana hadafka noogu weyn, ee aanu is leenahay Qarankan waa lagu horumarin karaa, waana wax ugu weyn ee ugu mudan ee Wasaaradda qabato”.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa ka hadlay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo qorshaha uga yaala ayaa yidhi “Shaqo la’aantu wey jirtaa, warbixintii aan Golaha siinayey wixii igu weynayd waxay ahayd, in Shaqada iyo Shaqo abuurka iyo waliba Shaqaalaha laftiisa, in aan aad xooga u saaro, oo aan wax ka bedelo, waxa ugu muhiimsana waxa waaye Shaqaalaha muwaadiniinta ah ee suuqa jooga shaqo ay qaban karayaan, shaqaale ajaanib ah dibadda loogama keeni doono, taas ayaan xooga saari doona, shaqo abuurkaana xooga ayaan saari doona, tababarada lafteeda xooga ayaan saari doonaa”.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Wasiir ku xigeenka Biyaha oo iyana Golaha warbixino ka soo jeediyey ayaa iyana ka xog waramaya xilalkooda, waxayna sheegeen inay waajibkooda shaqo si fiican u gudan doonaan, ugu dambayntiina Afartan Wasiir waa la ansixiyey.
Ansixinta Wasiiradda kadib wuxuu Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu sheegay in maanta oo axada ah si toos ah loo geli doono hawlaha Golaha iyo Xeerarka hor yaala, isla markaana Wasiirka Biyaha oo isna aan wali la ansixin in cod loo qaadi doono.