Golaha Wakiiladda oo Urur Bulsho ka Gudoomay Qabyo qoraalka Xeer lagu Xakamaynayo Faafitaanka Qabyaalada DAAWO
Hargaysa 23.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ololahan Prof:Maxamuud Jaamac Xamdi oo isku xil saaran olole ka dhan ah qabyaaladda ayaa sheegay in olole shacbi oo ay wax kaga qabanayaan qabyaaladda sii faafaysa ee wadanka oo ay saxeexeen shan kun boqol iyo laba iyo afartan qof uu maanta u gudbiyeen golaha Wakiiladda si uu xeer sharci looga soo saara.
Ololahan qaranimo oo socday muddo ka badan shan bilood ayaa lagu soo afmeeray ka dib markii ay saxeexeen in ka badan shan kun oo qof oo qof oo u badan dhalinyaradda Jaamacadaha, dugsiyada sare iyo aqoonyahanadda wadanka, kuwaasi oo khaatiyaan ka taagan heerka qabyaaladeed ee umadeenna.