|

Golaha Wakiiladda oo ay Weli hor taalo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka,Sannadkii ay dhaqan geli lahayd oo Bilaabmay Iyo Sharciyada dalku Waxay ka tidhi

Hargaysa 01.Jan 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku guuldaraystaan ansixinta odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016 oo Xaruntooda taalla Bishii u dambeysay iyo illaa Maanta oo ah oo uu Bilaabmay Sannadka Cusub ee 2016ka.

Golaha-Wakiillada
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo 5tii bishii December u soo gudbisay Golaha Wakiillada Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016, ayaa sheegtay in Miisaaniyaddu Sannadka 2016 ay korodhay, isla-markaana korodhkaa aanay jirin Cashuuro la kordhiyey, laakiin lagu gaadhay nidaamka cashuur ururinta oo si fiican loo maamulay.

“Markaan soo ururiyo Wasaaradda aanay wax u kordhin ma jirto, waxaanu doonaynaa in meelaha ummada wax u taraya wax lagu kordhiyo”.

Laakiin, Xildhibaanada Wakiillada ayaa ku guuldaraystay inay ansixiyaan odoroska Miisaaniyada sannadka dambe, kana gutaan waajibaadka ka saaran, maadama ay tahay halbowlaha wadan walba ku dhisan yahay.

Ansixin la’aanta Miisaaniyadda Qaranka sannadka cusub ee 2016 ee Maanta bilaabmay ayaa ka dhigaysa in lagu sii dhaqmo Miisaaniyaddii hore (2015) muddo saddex bilood ah.

Sida uu dhigayo xeerka Miisaaniyadda Qaranka, qoddobkiisa 23aad oo ka hadla daahidda Miisaaniyadda, oo dhigaya:- “Haddii Ansixinta Miisaaniyaddu dib uga dhacdo bilowga sanad Maaliyadeedka waxa lagu dhaqmayaa Miisaaniyadda sanadkii hore muddo aan ka badnayn saddex bilood.”

Arrinkan ayaa noqonaya mid u baahan in lagu caddeeyo xeerka Miisaaniyadda Qaranka wakhti go’an oo Golaha Wakiillada waajib ku tahay gudahiisa inay ku ansixiyaan odoroska Miisaaniyadda sannadeedka marka loo soo gudbiyo.

Comments are closed