Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Somaliland
Hargaysa:03,June,2014(SDN/QJ)-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Jamuuriyada Somaliland,oo uu
Shir-Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamuuriyada Somaliland,ayaa waxa lagu Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Somaliland.
Xog-hayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle,ayaa Mudanayaashii Maanta Fadhiga Soo Xaadiray U sheegay inay wax ka badal iyo Kaabis ay ku sameeyeen Xeerkan Xabsiyada Somaliland intii lagu gudo jiray Doodda Xeerkan.
Xeerka Xabsiyada Somaliland waxa Ansixintiisa Ogolaaday 42 Mudane,waxaana Diiday hal mudane,iyada oo ay ka Aamuseen 3 Mudane,Gudoomiyuhuna muu codayn.waxaana sidaas ku ansaxay Xeerka Xabsiyda Somaliland oo mudaba ay Doodiisa iyo Waxkabadkiisu ka socotay Golaha Wakiiladda Somaliland.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com