|

Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta ansixiyay Xeerar kala duwan

Hargeysa 17, September 2012 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha Wakiilada Somaliland, ayaa lagu ansixiyay laba xeer oo kala ah xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka Xoolaha iyo xeerka Waddo-marista.

Fadhigaas oo uu shirgudoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxa ka xaadiray 42 mudane oo ka tirsan 82-ka xubnood ee golaha Wakiilada Somaliland ka kooban yahay.

Mudaneyaashu waxay cod gacan-taag ah si gaar gaar ah ugu ansixiyeen xeerarkaas, iyadoo xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka ay ogolaadeen 35 mudane, waxaana diiday 2 xubnood, 4 kalena way ka aamuseen, waxaana sidaas ku ansaxay xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka oo ka mid ah xeerarka muddada horyaalay golahaas.

Sidoo kale, xeerka Waddo-marista waxaa ogolaaday 35 mudane, waxaa diiday 1 mudane, halka 5 kalena ka aamuseen, iyadoo sidaasna lagu meelmariyay xeerkaas.

Dhinaca kale, sida uu guddoomiye Baashe sheegay, Sabtida soo socota waxa goluhu cod u qaadi doonaa masuuliyiin qaran oo aanu hore goluhu u ansixin xilalkooda.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed