Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta ansixiyay Laba Wasiir Ku Xigeen
Hargaysa 10.June (SDN) Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md.Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa ayaa xildhibaanadu waxa ay ku Ansixiyeen Wasiir Ku xigeenka Wasaaradaha Ganacsiga Mud,Aadan Diiriye Cigaal iyo wasiir ku xigeenka cadaalada Mud,Nuur Cismaan Guuleed.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md.Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Mudanayaasha warbixin kooban ka siiyay xubnahan ka tirsan Golaha wasiirada oo hore madaxweynuhu u magacaabay lana Soo Mariyay Gudi Hoosaadyada golaha ee la xidhiidha hawlahooda..
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada C/risaaq Ayaanle,ayaa Mudanayaasha Ka hor Akhriyay Waayo-Aragnimadooda shaqo iyo wax-barasho ee xubnahan. Ka dib waxa Goluhu Cod Gacan taag ah u qaaday Ansixinta labadaasi masuul, Waxaana Ogolaaday ansixita labada wasiir ku xigeen ee wasaaradaha ganacsiga iyo cadaalada midkiiba 42 Mudane, ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay Gudoomiyuhuna ma codayn.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com