|

Golaha Wakiilada oo Warbixin ka dhagaystay Wasiirka Cadaalada Somaliland

Hargaysa 08.Sep 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha wakiiladda JSLand  ioo uu shir-gudoominayey Gudoomitye ku xigeenka Kowaad ee Golahaas Mud, Baashe Maxamed Faarax,ayaa war-bixin  oo ku saabsan wasaaradiisa waxa ay kaga dhegaysteen Wasiirka wasaarada Caddaaladda Mud,. Xuseen Axmed caydiid.

golaha wakiiladaWasiirka oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Maxamed  Xuseen Faarax Xiirane,ayaa  mudanayaasha Golaha waxa uu war-bixin faah-faahsan ka siiyey arimo badan oo ku sdaabsabn wasaaradiisa iyo howlaha ay bulshada  u hayso, kuwaasi oo ash kuwa ugu muhiimsan adeega ay wasaaradiisu qabato  ee la xidhiidha dhinacyada Maxkamadaha, garsoorka  iyo Xabsiyada dalka.

Mudane Xuseen Axmed caydiid, waxa uu intaa raaciyey  in cadaaladdu ay tahay meelaha ay bulshadu u baahan tahay inay ka horu-marto sidii ay u heli lahaayeen cadaalad.waxaanuu xusay wasiirku inay wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba ay diyaar u yihiin, kuna dedaalayaan sidii ay u hour-marin lahaayeen wax ka qabashada baahiyaha jira intii karaankooda ah.

Wasiirka cadaalada Mudane Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu Golaha ka hor akhriyey xeer ay hore Golaha baarlamaanku u ansixiyeen, hase ahaatee  uu qodobada qaarkood ka codsaday in wax ka bedel lagu sameeyo, kuwaasi oo uu sheegay in waqtigan ay adkaanayso fulintoodu.

Mudanayaasha Golaha wakiiladu War-bixinta  ka dib waxa ay halkaasi ay wasiirka iyo saraakiisha  wehelisay ku weydiiyeen su’aalo la xidhiidha Howlaha ay qaranka u hayaan, su’aalahaasi oo wasiirka iyo saraakiishuba ay mudanayaasha    uga Jawaabeen.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed