Golaha Wakiilada oo Warbixin ka dhagaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Isla markaana ansixiyay Xubno Wasiiro ah
Hargaysa 07.Sep 2013 (SDN)-Fadhigoodii manta ee golaha wakiilada oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi Md cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaashu waxay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen ansixinta wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Md cali maxamed warancadde iyo wasiirul-dawlaha wasaradda waxbarashda Md Axmed Nuur Faahiye.
Fadhigan Maanta waxaa ka soo Xaadiray 51 Mudane wasiirka arimaha gudaha ayaa Xildhibaanadu ka dhegaysteen warbixin ku saabsan siyasaadda wasaaradiisa iyo qorshayaasha uu ku hagayo, halka sidoo kalena wasiirku uu ugu baaqay xubnaha siyasiyiinta ah ee sheeganaya madasha toosinta qaranka in ay ka fogadaan farogelinta hawlaha xukuumaddu u xilsaaran tahay, hadii ay hayaan wax talo ahna ay ula yimaadan hay’adaha ku shaqada leh dawladuna soo dhoweyn doonto.
intaa ka dibna waxa cod loo qaaday ansixinta wasiirka wasaradda Arimaha Gudaha Md cali Mxamed warancadde
Ansixinta wasiirka waxa ogoladay 50 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, gudoomiyhuna m codaynin, sidaana waxa ku ansaxay wasiirka wasaradda arimaha gudaha.
Mudanayasha oo sidoo kale cod u qaaday ansixinta wasiirul-dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md Axmed Nuur Fahiye ayaa waxa ogolaaday 50 Mudane cid ka aamustay iyo cid diiday midna
Hargaysa SDN.