|

Golaha Wakiilada oo Warbixin ka Dhagaystay Gudoomiyaha Komiishanka H.I.V/AIDS

Hargaysa 23.June (SDN) Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada  oo uu  Gudoominayey  Gudoomiyaha Golahaasi Mud, C/raxman maxamed Cabdillahi, ayay mudanayaashu war-bixin kaga dhegaysteen Gudoomiyaha Gudiga fulinta Xakamaynta  AIDS-ka ee Qaranka  Mud, Maxamed Daahir  Khayre.

Gudmiyahay Gudiga fulinta Xakamaynta  xanuunka Aydhiska  waxa uu  mudanayaasha faah faahin ka  ka siiyey  hawl qabadka  Commession-ka   AIDS-ka, kaasi oo uu  sheegay in uu Gudoomiye ka yahay madaxweynuhu  Xubnana ay ka yihiin Lix wasaaradood, waxaana uu tilmaamay inay lagama maar-maan tahay in Golaha wakiiladu  uu la socdo  xaaladda xanuunkani halka  ay marayso ,maadaama ay shacabka ka wakiil yihiin, cudurkanina uu yahay mid shacabka  asiibaya.

Mud,Maxamed Daahir, waxa kale oo uu mudanayaasha uga waramay  habka cudurkani u fido iyo siyaabaha kale ee laysugu gudbin karo. Waxaanuu xusay in cudurkan markii ugu horaysay  Somaliland  lagu arkay sanadkii 1999-Kii, kaasi oo uu sheegay in uu yahay cudur  weli ku  qarsoon bulshada dhexdeeda.

Gudoomiyuhu waxa uu  sheegay in ay dalka  ka sameeyeen  afar sahan , kuwaas  oo uu xusay  in  ay labadiisanaba mar sameeyaan,  Waxaanay dhamaan  Daraasadahaasi iftiimiyeen ayuu yidhi In cudurku yahay mid ku baahsan dalka.

Dhinaca kalena waxa uu Gudoomiyuhu  tilmaamay in  Xafiis ahaan miisaaniyada u qoon daysan iyo hawsha ay u xil-saaran yihiin  aanay is-dabooli Karin. Isaga oo Mudanayasha u  jeediyey in ay gacan ka siiyaan  sidii  ay u heli lahaayeen miisaaniyad ku filan oo hawsha  lagu fulin Karo.

Hargaysa SDN

Qurbejoog.com

 

Comments are closed