Golaha Wakiilada oo wada qorshe xilka lagaga qaadayo Muuse Biixi
Hargeysa. 6 August, 2022. (QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland wada qorshe ballaadhan oo maamuus-ka-xayuubin loogu samaynayo madaxweynaha Somaliland, kadib khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Xildhibaanada wada waxay badi kasoo jeedaan xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, iyadoo ay qorsheeyeen in dhammaan xildhibaanadii ka soo baxay xisbiyada mucaaradku ay taageeraan qorshahan.
Mucaaradka ayaa raba in madaxweynaha Somaliland ay culays kale saaraan si uu uga laabto doorashada ururada ee uu rabo in uu qabto imika, waxaana ay tallaabadani keeni kartaa in Muuse Biixi mar kale uu wajaho culays kale oo dheeraad ah.
Qodobka lagu qaadayo madaxweynaha ayaa ah in uu sameeyay sharci jabin iyo in uu abuuray fawdo dalka galinaysa khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
Somaliland waxa ka taagan khilaaf culus oo siyaasi ah kaas oo imika ah mid sharci, waxaana ka isku hayaa doorashada ururada iyo goorta ay dhacayso, taas oo keeni karta in doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda dhaafto.