Golaha Wakiilada oo Maanta ka Hadlay Shaqo ka Joojinta Dr Macow, iyo Macnaha ka danbeeyay Xafiiskyo ay Gobolada ka Furteen {DHAGAYSO}
Hargaysa 30.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland mudane ibraahim mahdi buubaa ayaa maanta ka warbixiyay socdaal ay dhawaan Gudidoodu ku soo mareen gobolada dalka qaar ka mid ah islamarkaana ay xafiisyo u adeegi doona Golaha Wakiiladda kaga soo fureen goboladaasi.
Gudoomiyaha gudida joogtada ag ee golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu sheegay inay socdaal ku soo mareen goboladda Saaxil , Awdal iyo Tog dheer kuwaas oo ay kasoo fureen xafiisyo golaha wakiiladdu ay ku yeelan doonaan .
Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Aqalka Wakiiladu waxa uu tilmaamay in ujeedada xafiisyadaasi ay yihiin sidii dadweynuhu u heli lahaayeen Xeerarka dhaqangalka ah ee ay soo saareen,Qaybna ugu yeelan lahaayeen Xeerarka ku jira Gacmaha Gudi hoosaadyada golaha.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa waxaa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay inay Qorshaha ugu Jirto sidii ay Xafiisyo kuwan la mid ah uga furan lahaayeen Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood.
Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa Waxaa kale oo uu ka Hadlay Shaqo ka Joojintii ay Laamaha amaanku ku fuliyeen Dr Macow oo Hawlgal Caafimaad u samaynayay Qaybo ka Mid ah Bulshada Somaliland .
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII XILDHIBAAN IBRAAHIN MAHDI BUUBAA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/IbraahinMahdi.mp3″]
Hargaysa SDN.