Golaha Wakiilada oo Gudi Talo Bixineed u Saaray Xeerka H.I.V/AIDS
Hargaysa 02.Feb 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda jsl oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) ayaa gudi u saaray xeerka hay’adda xakamaynta cudurka Aydhiska.
Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa mudanayaasha ku war galiyey in ay maanta u balansanaayeen in ay ansixiyaan xeerka hay’adda xakamaynta cudurka Aydhiska, taas oo ay ka dhalatay fikir ay soo jeediyeen qaar ka mida mudanayaasha goluhu in duuduub lagu ansixiyo, halka qaar kalana ay soo jeediyeen in laga baaraan dago oo aan lagu deg-degin, iyaga oo ku sababeeyey inn ay ku muuqato qabyo,isla markaana tilmaamay in uu yahay xeer muhiima oo ay bulshadu u baahan tahay.
Mudanayaashii fadhigan ka soo xaadiray oo ay tiradoodu dhamayd 49mudane ayaa cod gacan taaga u qaaday labada fikir ee ay soo jeediyeen xildhibaanadu waxana ogolaaday in gudi loo saaro 34mudane, halka ay 12mudane ay u codeeyeen in duuduub lagu ansixiyo waxana ka aamusay 2 mudane gudoomiyuhuna muu codayn sidaasd Ayaana loogu saaray gudi dib u eegis ku samaysa xeerka xakamaynta cudurka H I V A diska , isla markaana mudo todoba cisho gudohooh ah ku soo celisa golaha.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com