|

Golaha Wakiilada oo Cod ka Gacan taag ah ku laalay Mooshin ka dhan ah Maayerrada magaalooyinka Somaliland DAAWO

Hargeysa, 23 May 2015 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa diiday meel-marinta ama ansixinta Mooshin ka dhan ah, kaasoo ay soo gudbiyeen Xildhibaanno ka tirsan Golahaas, isla markaana ay dalbanayeen soona jeedinayeen wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka dalka.

Xeerkan wax ka beddelkiisa iyo kaabistiisa ay Mudanayaasha ka tirsan Wakiilladu soo dalbadeen, ayaa fududaynayay haddii wax ka beddelkaas lagu samayn lahaa. Waxaannu idiinku soo gudbinaynaa fadhiga Sabtidii Maanta oo laga hor-akhriyey Mooshinkaas, isla markaana Mudanayaashu Cod gacan-taag ah u qaadeen, kuna diideen, isagoo Natiijada codaynta ku dhawaqaay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Muuqaalkan Hoose ee daawasho wacan:-

Comments are closed