|

Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Hab Maamuuska Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Golaha wakiilada JSL ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi ayaa maanta meel mariyey xeerka Maamuuska madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013.

Mudanayaasha maanta  soo xaadiray fadhiga oo tiradoodu ahayd 42 xildhibaan ayaa waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 32 mudane,waxa diiday 5 mudane, waxaabna ka aamusay 4 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka hab maamuuska madaxweynah, madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013.

dhanka kalena mudanayashu waxay fadhi labaad oo ay soo xaadireen 44 mudane ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka Qareenada Somaliland.

Ansixinta xeerka qareenada waxaa u codeeyey 21, mudane waxaa diiday 13 xildhibaan, waxaana ka aamusay 9 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka qareenada Somaliland xeer No 30/2004.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed