Golaha Wakiilada oo ansixiyay Ajandahooda isla markaana canbaareeyay falkii lagu beegsaday Wargayska Hubaal
Hargaysa 27.April (SDN) Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Mudanayaashu ay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Ajandaha kalfadhiga 21aad ee Golaha Wakiilada.
Fadhigan Waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha ahna kusimaha Gudoomiyaha Mudane Baashe Maxamed Faarax waxaanu Mudanayaasha ku Wargaliyay in Maadaama ay u dhamaatay doodii Ajanduhu inay Cod u qaadaan Meel Marintiisa Waxaana Ogolaaday kuna Ansaxay 36 mudane halka laba xildhibaan ay ka diideen,iyadoo ay ka Aamuseen lix Mudane .
Ajandaha Kalfadhiga 21aad ayaa ka Kooban
- Ø Warbixinta Shirgudoonka
- Ø Warbixinta Gudida Joogtada ah
- Ø Mashaariicda Sharci ee Golaha Horyaal
Sidoo kale waxaa ku Jira Ajandaha Kalfadhigan
- Ø Xeerka Faya Dhawrka
- Ø Xeerka Nabadgalyada Wadooyinka
- Ø Xeerka Aasaaska Komiishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq Maasuqa .
- Ø Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baanka
- Ø Xeerka Baananka Islaamiga ah
- Ø Xeerka Statistics law
- Ø Xisaab Xidhka Dawlada ee 2008,2009,2010.
- Ø Wax ka bedelka Iyo Kaabista Xeer Hoosaadka
Dhinaca kale gudiga arimaha gudaha golaha wakiilada somaliland ayaa Maanta cambaareyey dhacdadii Lagu Beegsaday wargeyska hubaal habeenimadii Khamiistii ee Todobaadkii Tegay.
Gudoomiyaha Gudi Hoosaadka Arrimaha Gudaha Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ugu baaqay Hay’adaha amaanku inay sida ugu dhakhsiyaha badan Sharciga u hor keenaan Cidii ka danbaysay Falkaas.|
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com