Golaha Wakiilada iyo WHO oo ka Wada hadlay Sida ay uga Diyaar garoobeen Cudurka Ebola Xili lagu soo Waramayo in Kiisas Cudurkan ka mid ah lagu arkay Itoobiya
Hargaysa 13.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddida ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada ayaa kulan xafiiskooda ay kula yeeshay xafiiska Hay’adda Caafimaadka aduunka (WHO) ee Somaliland ayaa waxa ay kaga hadleen tabaabushaha cudurka Ebola ee faraha baas ku haya wadamada Galbeedka Afrika.
Kulankan oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudidaas Mudane Maxamed Cali Xirsi waxa ku wehelinayay xubnaha kale ee gudidaas. dhinaca kalena waxa horkacayay madaxa Xafiiska WHO ee Somaliland Marwo Asiya Cusmaan Axmed oo ay la socdeen Madaxda barnaamijyada haayadaas eek ala duwan.
Kulankan ayaa waxay kaga warbixiyeen waxqabadkooda guud ahaan dalka gaar ahaana mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan wasaarada Caafimaadka JSL Gaar ahaana waxay si faahfaahsan ugaga warbixiyeen sida ay u wada shaqeeyaan, warbiximaha u kala qaataan ilaa hada halkay wax u marayaan.
Waxa kale oo ay xog ka siiyeen ilaa hada qorshahooda cudurka Halista ah ee EBOLA oo ay sheegeen inay ka diyaar garoobeen iyaga iyo wasaaradda caafimaadkuba teamamkii hawshaas wax ka qaban lahaana ay hada diyaarintoodii wadaan qalabkiina ay dalbadeen oo uu u soo socdo. Gudiddu waxay ugu danbayntii waydiiyeen su’aalo ku saabsan dhaqaalaha ay wasaarada ku taageeraan Banyaalnimadeeda iyo xisaabteeda siday faraxsan yihiin ugu yihiin.
Waxay gudida iyo WHO isla garteen inay wada shaqeeyaan markay isu baahdaana iskaashi iyo kulamaba samaystaan.
Hargaysa SDN/QJ