“Golaha Wakiilada ee hadda jira oo ah 82 Xildhibaan- 55 xubnood waa deegaanka dhexe, halka Gobolada dhinacyadu yihiin 27,Halkaa….” Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Shaqada
Hargaysa 25,March,2016(SDN/QJ):- Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Cabdiwaaxid C.qaadir C.raxmaan ayaa Si taxadir leh uga hadlay Saami qaybsiga Kuraasta aqalka Wakiiladda oo Qaar ka Mid ah Gobolada Somaliland Gaar ahaan kuwa Darafyadu ay Saluug ka qabaan.
Sida uu ku Sheegay Qoraal kooban oo uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Dadweynaha ee Facebook ayaa Sheegay in Muranka ka Taagan Qadiyada Saami qaybsiga Kuraasta Wakiilada in Salka loo dhigo si isu ahaanshaha dhul ahaaneed ee Somaliland u hagaago.
Qoraalka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C.raxmaan ayaa u dhignaa Sidan “Sida qorshuhu yahay haddii aan wax isbedelin waxaa sanad ka hadhsan tahay doorashooyinka is barkan ee Madaxtooyada iyo Wakiilada, Waxaana berhanba Gobolada maraayey guddida Arrimaha gudaha ee wakiilada, oo u kuur gelaya fikradaha dadka ee ku saabsan saamiga golaha wakiilada ee Gobolada ,waxaanay soo mareen Gobolka Awdal iyagoo halkaa Kala kulmeen dood addag oo ku aadan saamiga Reer Awdal sidoo kale garnaqsi kasii fog ayaa kaga horeeya G.Sool, waloow cabashadu ilaa Caasimadda gaadh siisan tahay oo Reer Hargeysiba saamiga ay leeyihiin saluugsan yihiin.
Golaha Wakiilada ee hadda jira oo ah 82 Xildhibaan- 55 xubnood waa deegaanka dhexe, halka Gobolada dhinacyadu yihiin 27, halkaa laba meel ayaa qaybta dhexe ah, waana ta sababta u ah guuxa iyo bulaanka daraf yadda, tiiyoo aynu ognahay Xubnaha sare ee Qaranka iyo kuwa xukuumadduba-ay dhinac ka raran yihiin, Waxaa loo baahan yahay ay tahayna in Arrimaha dhulka la dhigo si qaybta iyo isu dhammaan shuhuba u hagaagaan, igama ah qoraalkan yari dhaliil ama in aan daraf u hadlayo laakiin waa waaqic iyo Wax jira oo wax kaqabad u baahan” ayuu ku soo Gabo Gabeeyay Cabdiwaaxid Qoraalkiisa.