|

Golaha Senat-ka Maraykanka Oo Soo Saaray Go’aan Ay Ku Joojiyeen Adeeg Caafimaad ee Obama Care

Washington 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Golaha Senat-ka Maraykanka ayaa laalay barnaamij caafimaad oo uu hirgaliyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr Obama Muddadii sideeda sano aheyd ee uu dalkaasi ka arriminayey.

 

Barnaamijkan oo la odhan jiray Obama Care, ayaa noqonaya waxa ugu muhiimsanaa ee uu ka tagey, balse golaha wakiilada Dalkaasi ayaa soo saaray go’aan ay ku joojinayaan adeegaasi.

Tirada wakiilada u codeeyay in adeegan la joojiyo ayaa waxay ahaayeen 51 halka 48 kalena diideen sidaasina lagu ansixiyay go’aankaasi.

Golaha wakiilada ee dalka Maraykanka ayaa tallaabadan ku dhaqaaqay kadib markii madaxwaynaha Cusub ee loo doortay Dalkaasi uu sheegay inay habboon tahay in adeega lagu badalo mid kale oo ka wanaagsan, dhinaca kale qaar ka mid ah golaha wakiilada Dalkaasi ayaa sheegay in adeegan muddo dhawr bilood ah lagu joojin doon oo adeega cusub ee lagu badali doonaa uu qaadan doono waqti dheer.

Adeegan ayaa waxa ka faa’iidaysan jiray in ka badan 20 Millyan oo ka mid ah shacabkaasi Maraykanka, laakiin, xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa dedaal u galay sidii loo joojin lahaa, waxaanay sheegeen in adeegani uu kor maray awoodihii ay laheyd Xukuumaddu.

Comments are closed