|

“Golaha Guurtidu 25 kii sanno ee ay jireen dhibaato mooyaane wax khayr ah oo ay keenen lama hayo , waana in la baabi’iyaa ” Eng Maxamed Xaashi DAAWO

Hargaysa 09. March 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Eng Maxamed Xaashi Cilmi,wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wadashiga qaranka Somaliland oo maanta warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley muddo kordhintii ay dhawaan xukuumada KULMIYE ay u sameeyeen golaha guurtidu

Siyaasi Maxamed Xaashi waxaa uu sheegay in aanay jirin wax khayr leh oo ay guurtidu sameysay 25-kii sanno ee ay jirtay dhibaato mooyaane isla markaana waxaa uu ku taliyey in la baabiiyo gabi ahaantood ba golaha guurtida Somaliland.

“Golaha Guurtidu 25 kii sanno ee ay jireen dhibaato mooyaane wax khayr ah oo ay keenen lama hayo , waana in la baabi’iyaa ” Ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo kamida siyaasiyiinta madasha wada tashiga ayaa ka hadlay muddo kordhintii loo sameeyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,sidoo kalena waxa uu eedaymo kulul usoo jeediyey xukuumadda Somaliland,iyo Labada gole qaran ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland.

Comments are closed