Golaha Guurtida Somaliland oo Mudeeyay Maalinta ay Ku Dhawaaqayaan Mudo Kordhinta Xukuumadda,Baqo Ka Werwerka Gudoomiye Muuse Biixi & Goodiga Xisbiga Waddani
Hargaysa 27. February 2017 (SDN/QJ):-Golaha Guurtida Somaliland oo loo gudbiyey nuxurka mudo kordhinta Xukumada Madaxwayne Siilaanyo oo dhawaan ay komishanka XukumadaXisbiyada qaranku ay isla qaateen in mudo loo kordhiyo Xukumada Madaxwayne Siilaanyo.
Golaha Guurtida Somaliland ayaana Fadhigoodii shalay ku balamay in maalinta sabtida ee afarta Bisha March ee Todobaadka soo socda ansixiyaan mudo kordhinta loo samaynaayo Xukumada Siilaanyo inkasta oo aan wali la ogayn xiliga rasmiga ah ee ay kordhin doonaa iyada oo ay hore Xisbiyada iyo Komishanku iskula qaateen in mudo 7 bilood ah la kordhiyo inta ay shacabka Somaliland helayaan Roobabka Gu’ga maadaama ay jiraan abaaro xoogan oo dalka ka jira.
Waxaa soo baxaya dareemo sheegaya in Guurtidu ku Hawlan tahay Sidii Mudo ka badan ta Xisbiyadda iyo Komiishanku ku heshiiyeen ay Shaaciyaan iyagoo darsaya Muddada Xaaladan adag lagaga bixi karo Isla markaana dadkii barakacay ay ku noqon karaan deegaanadii ay markii hore ka hayaameen.
Geesta Kale Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa doraad ilaa xalay waxa wararku tibaaxayaan in uu ku Gaaf wareegayay Guriga Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan halka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani masuuliyiin u hadlay ay ugu baaqeen Golahaasi in aanay hal maalin ah dheeraysiin mudadii ay isla garteen Xisbiyada qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku.