Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Galay Fasax Bil iyo Badh ah iyo Dardaaranka Gudoomiye Saleebaan
Hargaysa 10.Oct 2015 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Guurtidu jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah usoo gabogabeeyey ajandahooda kalfadhiga 57naad ee Golahaasi ,ajandahaasi oo ay ku soo gudo jireen in muddo ahba.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida S/land Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi ku wargaliyey in maanta oo ah maalinta isniinta laga bilaabo ay mudanayaasha golahaasi fasax dhan Bil iyo badh gudo gali doonaan.
Gudoomiyaha golaha Guurtida oo la dardaarmaayey mudanayaasha fasaxa tagaayey Ayaa yidhi “ Wax howl ah waxaan ogahay xeerkii dhawaan la qaybiyey,waxaan jecelahay in xeerkaasi kaga soo bogano kalfadhiga dambe,waxaanad moodaa inaga iyo Golaha kale waa aynu isgaadhi laanahay inagu intaa waynu dabo ordaynaa,iyagaana inaga sii cararaaya,shaqaduna waxay ku wanaagsan tahay in mar la soo wado galo .
waxaanu mudanaaysha Golahaasi ku wargaliyey in muddo bil iyo badh ah ay fasax yihiin ,waxaanu ka dalbaday in mudanayaasha golahaasi ka howlgalaan mudada ay fasaxa yihiin in degmooyinka iyo gobolada adlka ay ka howlgalaan.