|

Golaha Guurtida oo Warbixin ka Dhagaystay Gudida Joogtada ee Golahaasi

Hargaysa 14.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida ee jamhuuriyadda Somaliland  fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey  Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha  Golahaasi waxay warbixin ka dhagaysteen Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida .

golaha GuurtidaXoghayaha Guddida Joogtada  ee Golaha Guurtida C/naasir Aadan Beegsi oo warbixinta guddida joogatada  mudanayaasha ka hor akhrinayey  ayaa tilmaamay ka  inay guddidani Howlgashay  mudadii u dhaxaysay labada kalfadhi ee 50-naad iyo 51naad ,waxaanu shegay in Guddian joogtadi kormeer ku sameeyeen 16ka mida haya-addaha dowladda kuwaas oo ay ku soo arkeen  dhismayaal waaweyn oo  cusub oo ka socda oo  qaarkood gabagabo ku dhowyihiin.

Geesta kale xoghayaha Guddida Joogtadu wuxuu shaagay inay ka Guddi ahaan soo ogaadeen waxyaabo badan oo horumar ah oo ay ka mid yahiin

in goobaha  adeega  dowladda  sida wasaaradaha iyo xafiisyadda hay-adaha dowladdu ay maanta yihiin kuwo ku dhowdhow heerkii looga baahnaa dal udiyaar ah ictiraaf marka laga reebo dhismaha cisbitaalka hargaysa oo aan dhisme ahaan ku haboonayn cisbitaal caasimadeed marka laga eego xagga dhismaha  qaadkiisa oo yar.

In shaqaalaha dowladdu marka loo barbar dhigo mudadii  s/land jirtay ay maanta taagan yihiin heerkii ugu fiicnaa ee shaqaalaha dowlddu gaadho ,iyadoo tiradoodii,tayadoodii  aqooneed ay sare ukacday .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed