Golaha Guurtida oo loo Qaybiyay Xeerka Booliska Somaliland oo ay Hore u soo Ansixiyeen Golaha Wakiiladu
Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha guurtida oo uu shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaashii ka soo xaadiray waxa loo qaybiyay xeerka booliiska xeerlanbar 63/2013.
Xeerkaas oo Gudoomiye ku xigeenku ku war galiyay mudanayaasha in ay ka soo baaraan degaan.
Waxa mudanayaashu fadhigaas warbixin kaga dhagaysteen Gudoomiyaha Gudida siyaasada nabadgalayada iyo difaaca Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka warbixiyay xog waraysiyo ay la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee qaabilsan ammaanka dalka ,waxaanu intaa ku daray Gudoomiyaha gudidu in ay kulmo la yeesheen wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha iyo dibeda isagoo gabagabadiina sheegay in xaalada ammaan ee dalku ay meel fiican marayso .
Waxaana Gudida Arrimaha Siyaasada Nabadgalayada iyo Difaacu ay soo jeediyaan in kor loo qaado wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hayadaha amaanka iyo golaha guurtida.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com