|

Golaha Guurtida oo Ku Fashilmay inuu Ergo Nabadeed u diro Ceel-afweyn iyo Guddoomiyaha oo ka hadlay Hakad 2-aad DAAWO

Hargaysa 01. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa markii labaad shaaciyey in Hakad ku yimi Ergo-nabadeed oo Goluhu iska xulay, si ay uga hawlgalaan nabadaynta Beelaha ku diriray deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo aan weli si rasmi ah u sheegin sababta hakadka ku keenaysa kolba Ergada Xildhibaannada ah ee ka kooban 13 Xubnood oo Sabtidii toddobaadkii hore Shirguddoonku u xulay xallinta shaqaaqada dhimashada 7 Ruux iyo Dhaawaca 20 kale sababtay ee Ceel-afweyn ku dhex-martay laba Beelood oo wada dega, balse waa markii labaad ee hakad ku yimaaddo Safarka Ergadaas oo uu hore u sheegay inaanay Guurtidu u bixi doonin illaa dawladdu gacan adag ku qabato nabadgelyada.

Comments are closed