|

Golaha Guurtida Oo Ku Dhawaqay Afar Gudi & Goobaha Loo Kala Dirayo Iyo Hawsha Ay Qaban Doonan  DAAWO

Hargaysa 29. July 2017 (SDN/QJ):- Golaha guurtida JSL ayaa maanta ku dhawaaqay gudiyo ay u kala dirayaan Ceel-afweyn,Burco iyo Xariirad oo ka kala Tirsan Gobolada Sanaag Togdheer Iyo Awdal.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey golahaasi Md: Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu golaha ka hor sheegay in gudiyo u saareen deegaanka Ceel-afweyn kuwaas oo ka hawl galidoona shaqaaqadii dhawaan halkaa ku dhexmarty laba beelood oo walaalo ah, halka ay gudi kale u saareen degmada xariirad ee Gobolka Awdal oo iyana laba ardaa oo walaalo ah loo kala wareejin doono xoolo loo kala xukumay.

Sidoo kale waxa golaha guurtidu gudi u saareen magaalada Burco si ay u soo qiimeeyaan xaaladii abaarta iyo shuban biyoodkii gobolkaasi saameeyey waxayna gudiyadaasi ambabixi doonaan hadii eebe idmo maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Gudiyadaa magacyadooda iyo inta ay ka kooban yihiin  waxa golaha u akhriyey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Md: Siciid Jaamac Cali .

Comments are closed