|

Golaha Guurtida oo ka doodaya Xeerka Komiishanka dib u habaynta Shuruucda

Hargaysa 07.Sep 2014 (SDN/QJ)- Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Jamhuuriyada S/land oo uu shirgudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad Md Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay dood ka yeesheen xeerka komishanka Aasaasida dib –uhabaynta shuruucda dalka.

Gudida Joogtada ah ee GuurtidaMudanayaashii dooda maanta ka qayb qaadanaayey ayaa qaarkood waxay soo jeedinaayeen in xeerka komishinka dib –uhabaynta shuruucda dalka xubnihiisa oo ka kooban toddoba xubnood ,in ay labo xubnood ahaadaan haween, isla markaana aqoon sare u lahaadaan dastuurka iyo shuruucda dalka u dajisan.

Geesta kalena mudanayaasha qaarkooda ayaa soo jeedinaayey in toddobada xubnood ee uu yeelan doono komishankani dib uhabaynta shuruucda dalku in lagu soo daro labo xubnood oo aqoon fiican uleh diinteena islaamka ee suuban,kuna  dabakhaan howlahooda arriamaha diinta ee ay aqoonta u leeyihiin.    Goluhuna wuxuu fadhi dambe ubalamay maalinta Bari ah ee soo socota.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed