Golaha Guurtida oo doortay Gudoomiye ku Xigeenkii Labaad ee Golaahaas
Hargaysa 16.April.(SDN) Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen Xaruntooda Caasimada Hargaysa waxay Cod aqlabiyad ah ugu Doorteen inuu Noqdo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golahaasi Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Madar.
Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa Mudanayaasha ku War galiyay inay Buuxinayaan Jagadii uu ka Geeriyooday Marxuun Sh.Axmed Sh.Nuux Fure waxaanu xusay Gudoomiyuhu in Xildhibaan Axmed Daahir Jirde uu ka tanaasulay in uu u tartamo jagadaasi halka Maxamuud Xareed Rooble aanu ka soo xaadirin fadhigii saaka ee lagu dooranayay Guddoomiyaha Labaad ee Golaha Guurtida Somaliland.
Gudoomiyuhu Waxa uu ugu baaqay Mudanayaasha Goluhu inay Mudanayaashu isu haneeyaan Cida Guulaysata Maadaama sida uu Xusay hal qof uu soo bixi doono .
Markaas kadib Waxay Shan iyo Konton Mudane Cod gacan taag ah ku Ogolaadeen in uu Noqdo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Madar,Waxaa Diiday Hal Mudane Mid kalena wuu ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu Codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtidu.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com