|

Golaha Guurtida Guddi U Saaray Xeerka Duulista Iyo Hawadda Oo Madmadow Lagu Arkay

Hargaysa 08.Sep 2015 (SDN/QJ)- Golaha guurtida Somaliland, ayaa maanta dood dheer ka yeeshay xeerka Duulista hawada Somaliland, kaasi oo hay’ad madaxbanaan loogu samaynayo Madaarrada dalka.
Dooda mudaneyaasha oo muddo saacad ka badan qaadatay ayaa xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi guddi gaar ah loo saaro kadib markii ay madmadow ku arkeen xeerkaasi. Waxay ku doodeen in xeerka la waafajiyo dastuurka iyo shuruucda dalka.

???????????????????????????????Mudaneyaasha ayaa sheegay in xeerku jidaynayo in hay’add gaar ah oo maamusha madaarrada dalka la aasaaso, balse awooddihii hay’addaasi ay maroorsanayso wasaaradda duulista hawadu, sidaasi darteedna ay tahay in xeerka lagu kala cayimo hanaanka wada shaqayneed ee wasaaradda iyo hay’adda.

Comments are closed