|

“Golaha Baarlamaanku Waa Inuu Noqdaa Mid Xukuumadda La Xisaabtami Kara, Oo Aan La Iibsan Karin, La Khaldi Karin”. M. Siilaanyo“Golaha Baarlamaanku Waa Inuu Noqdaa Mid Xukuumadda La Xisaabtami Kara, Oo Aan La Iibsan Karin, La Khaldi Karin”. M. Siilaanyo

Hargeysa, 17 Sep 2015  (SDN/QJ)- Hogaamiyihii duufaankii Kulmiye, maantana ah Madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  xilligii uu u ordayay siduu u geli lahaa guriga uu haatan fadhiyo, waxa tiirarka falsafadii halgankiisa ka mid ahaa, inay doonayaan Baarlamaan xor ah oo dawladda la xisaabtami kara, isla markaana aan la iibsan Karin oo dabaqa sharciga iyo dastuurka dalka. Si Baarlamaanka noocaas ah loo hellana ay soo saari doonnaan dad xul ah aqoon leh, iimaan leh oo waajibaadkooda garanaya.

siilaanyo horeSanad ka hor xilligii ay dhacday doorashadii ay ku soo baxeen xubnaha golaha wakiiladda ee maanta jooga, halku dhegyadii madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa gudoomiye xisbi mucaarad ahaa, kaydka hadalka u galay waxa ka mid ahaa, khudbad uu ka jeediyay madal ahayd carriga maraykanka . Sanadku wuxuu ahaa 2004, sanadkii xigayna waxa dalka ka dhacday doorashadii golaha wakiiladda ee lagu soo doortay xubnaha wakiiladda maanta oo 7 sano mudda kordhin ah oo ay kii lixaad ku jirraan kuraasta ku fadhiya.

Welina loo arko baddidoodu in aanay diyaar u ahayn inay doorasho dhacdo, si ay taa u horjoogsadaana lagu tilmaaamo in aanay u jeedin inay diyaariyaan xeerkii lagu dooran lahaa, kaasoo ilaa hadda ka mid ah qabyadda doorashada la muddeeyay march.2017.

Hase yeeshee waxa ka sii darran golaha guurtida oo haatan isu rogay ama loogu yeedho mid dhaxaltooyo, kaasoo lagu tilmaamo inuu korodhsiimo uu isu sameeyay ku soo fadhiyay welina ku fadhiyo dhawr iyo toban sano,  kuna sii fadhiyi doono sida la saadaalinayo, maadaama aanay muuqan dariiqadii lagu soo dooran lahaa. Golahan oo haysta dubbe la yidhaahdo “Mudda kordhin”, hadbana ku tiirsan madaxweynaha jooga, xilligii uu mucaaridka ahaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku tilmaami jiray gole sharci darro ah.

Markaan u noqono golaha wakiiladda, weedhahan waxaanu ka soo garoocanay khudbad uu Md. Axmed Siilaanyo ka jeediyay madal uu kula kulmay jaaliyadda Somaliland ee maraykanka 2004.

Wuxuu sawirayaa nooca uu doonayo in wakiiladda la soo dooranayaa noqdaan iyo nooca uu doonayo in golaha wakiiladdu noqdaan.

Markuu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi; “Doorashada soo socota anagu waxaanu doonaynaa, in aanu dad iimaan leh oo aqoon leh oo cilmi leh oo aanay dawladdu haday taayada tahay iyo haday ta xisbi xaakimka  maanta joogta tahay ama mid kale tahayba  aan la iibsan Karin oo xul ah oo dalka iyo dadka wax u tari kara oo dalka iimaansan in aanu soo saaro ayaanu doonaynaa. Ujeeddada aanu ka leenahay waa maxay?. Waxa weeye  dadka golaha baarlamaanka soo gelayaa inay noqdaan qaar xukuumadda la xisaabtami kara, oo aan la iibsan Karin, la khaldi Karin oo sharciga iyo dastuurku waxa uu farayo iyo xaqa umadda iyo waajibka saaran fulin karaya inay noqdaan.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed