|

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo War Cusub Kasoo Saaray Weerarku Shabaabku Ku Qaadeen Deegaanka Leego

New York:June,28,2015(SDN/QJ)-Kadib markii uu maalin kahor uu Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia war kasoo saaray Weerarkii Shabaabku ka geysteen Deegaanka Leego, ayey isla xalay war cusub soo saareen Golaha amaanka  Qaramada Midoobay, iyagoo si weyn u eedeeyey Xoogaggii weerarkaas geystay.

golaha ammaankaAskar badan oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa lagu dilay weerarkaasi, waxaana Alshabaab ay sheegeen in weerarka leego jawaab u ahaa aflagaadadii nabi Muhamed(N.N.K.H.) loogu geystay dalka faransiiska, dowladana Burundina ay hoos tagto dalkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Alshabaab.

QoraalKA kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay iney aad kaga xun yihiin weerarka iyo qasaaraha ka dhashay, waxayna tacsi u direen shacabka iyo dowlada Burundi iyo dowlada Soomaaliya, gaar ahaan qoysaska eheladooda ku geeriyoodeen weerarka.

Golaha amaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay kamid yihiin kooxaha khatarta ku ah nabad galyada caalamiga ayna la dagaalami doonaan, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxay goluhu hoosta ka xarriiqeen in baahida loo qabo in si mideynsan looga dagaalamo dhanka dhaqaalaha iyo ciidamada ururka Alshabaab waxayna ka dalbadeen wadamada caalamka iney cadaalada marsiiyaan dadka dambiyadaasi lagu helo.

Ugu dambeyn golaha amaanka ayaa sheegay iney amaanayaan howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya ayna kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada AMISOM.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed