Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo isku raacay Cuno qabatayn Dhinacyo kala duwan leh oo lagu soo rogay Dalka Kuuriyadda Waqooyi
New York 14. September 2017 (SDN/QJ):- Goleha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa si mug leh u ansixiyey in cunaqabatayn dheeraad ah lagu soo rogo dawlada waqooyiga kuuriya, ka dib markii bishan sedexdeedii ay tijaabisay qunbulad Haydarojiin ah.
Cunaqabatayntan cusub ee lagu soo rogay xukuumada Biyoon-yaan ayaa sheegaysa in dhinaca shidaalka laga galiyo xayiraad iyo suuqgeynta dharka lagu farsameeyo dalkaasi, hase ahaatee dawladaha Ruushka iyo Shiinaha oo si adag ku aqbalay cunaqabatayntan cusub ayaa goleha ku wargaliyey in wado hadal diblomaasiyadeed lagu dhamayn karo xiisada colaadeed ee ka oogan gacanka kuuriya.
Geesta kale, xukuumada Biyoon-yaan ayaa sheegtay cunaqabataynta maraykanku dabada ka riixayo in ayna ka joojin Karayn waqooyiga kuuriya horumarinta ay ku difaacayso dalkeeda balse uu maraykanku ku fashilmi doono.