Golaha Amaanka oo Canbaareeyay Shaqaale looga qabsaday dalka Syria
New York March 07 2013 (SDN)— Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa canbaareeyay talaabada ay Mucaaradka Syria ku qafaasheen 21-katirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay eek u sugan goobaha u dhaxeeya Syria iyo Israel gaar ahaan Buuraha Golan Heights.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo daayo dadkaasi waxana ay tilmaamtay in loobaahnayhay in Mucaaradka Syria ay tixgaliyaan Shaqaalaha Caalamiga ah.
Shaqaalaha la qabsaday ayaa u dhashay wada Filibiin waxaana qabsashadooda ay imaaneysaa Isbuuc kaddib markii Ciidamo Nabad ilaalin ah oo halkaasi ku sugnaa lawaayay
SDN-New York