Golaha Amaanka oo Baaq Deg-dag ah Ka Soo Saaray Xiisadda Dhanka Xuduuda ee u Dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea
New York 22. June 2017 (SDN/QJ):- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa ku baaqey in si deg-dag ah xala nabaddeed loogga gaadho muranka dhinaca xuduudaha ah ee mudada dheer u dhaxeeyey dawladaha Eriteria iyo Jabuuti oo hada dib u soo cusboonaaday ka dib markii dawladda Qadar ay kala dhex baxday ciidamo nabad Ilaalineed oo u dhaxeeyey labadaas dawladdood.
Golaha Amaanka, ayaa arrintan shir-deg-dag ah ka yeeshay ka dib cabasho xooggan oo ka timi dhanka dawladda Jabuuti, waxaana ay sheegeen in ay si aada u soo dhaweynayaan dedaalada ay Midowga Afrika ka dhex wadaan labadaas dawladdood iyaga oo sida oo kale na ku baaqey in xiisaddaas u dhaxeysa labada dal lagu soo dabbaalo hab nabaddeed.